Tani waa Caymiska Hawlgabka ee LO

Hawshayadu waa inaanu hubino in adigaaga xubinta ka ah aad hesho lacag hawl-gab oo fiican. Waxaa si wada-jir ah mulkiile noo ah ururka shaqaalaha ee LO iyo Folksam.

Maanta waxaanu maamulnaa lacagta hawl-gabka shaqada ee ku dhowaad nus malyuun xubnood kuwaas oo doortay inay lacagta hawl-gabka ku kaydsadaan sanduuqa caymiskayaga
Meel dhigasho fiican iyo khidmado aad u hooseeya
Ujeedadayada ugu muhiimsan waa in aad adigu mustaqbalka fog meel dhigasho fiican u hesho kaydinta lacagtaada hawl-gabka oo sida aanu u dhignaa dhowr sano ayay meel sare maraysay. Waxaanu mar kastaba leenahay khidmado aad u yar taas oo micnaheedu tahay lacag hawl-gab dheeraad ah oo xagaaga ah.
Xalinta lacagta hawl-gabka oo caqli badan kuna salaysan da'daada.
Waa inay sahlanaataa in macmiil loo ahaado anaga. Waxaanu haynaa xalka saamiga soo gelida oo caqli badan taas oo ah inaanu lacagta hawl-gabka u dhigno kolba inta ay leegtahay wakhtiga kaaga harsan hawl-gabnimada.

Lacagta hawl-gabka ee shaqada

Lacagta hawl-gabka ee shaqada waa qaybta hawl-gabka ee shaqo-bixiyahaagu bixiyo. Xilliga noloshaada aad shaqaynayso waxay ahaan kartaa dhowr boqol oo kun oo karoon, waa qayb muhiim ah oo ka mid ah lacagtaada hawl-gabka ee mustaqbalka.

Adigaaga ah shaqaale ka tirsan dhinaca qaybta gaarka loo leeyahay waxaad helaysaa lacagta hawl-gabka shaqada ee ”Avtalspension SAF-LO” taas oo ku dhisan heshiis guud oo u dhaxeeya Rugta Ganacsiga iyo ururka shaqaalaha ee LO.

In la sii doorto ka hor lacagta hawl-gabka shaqada

Caadi ahaan adiga ayaa dooranaya shirkada aad rabto inay maamusho lacagtaada hawl-gabka shaqada. Miyay tahay markii ugu horeysay ee aad dooranaysay? Dooro Folksam LO Pension adigoo u maraya inaad gasho oo doorashadan ku samayso qaybta Mina Sidor ee ku taala www.fora.se. Adigu xitaa lacagta hawl-gabka ee aad hore u soo shaqaysay waad nagu soo wareejin kartaa anaga. Doorashadaada ku samee fora.se

Haddii aad shaqaale ka tahay dhinaca iskaashatooyinka ama degmooyinka iyo maamulada gobolada waxaad doorashadaada ku samaynaysaa www.pensionsvalet.se. La xiriir adeegayaga macaamiisha oo sidaas ayaad ku helaysaa caawimaad.

Amaan u ah qoyska

Lacagtaada hawl-gabka ee shaqo waxaa ku jirta ilaalin taas oo caawin karta qoyskaaga haddii aad geeriyooto.

Waajibka dib u bixinta lacag
Haddii aad doonaysid in lacagtaada hawl-gabka la siiyo qoyskaaga haddii aad geeriyooto waad dooran kartaa noocaas. Wax kharash ah ma laha arrintani laakiin lacagtaada hawl-gabka ayaa wax yar hooseynaysa.

Haddii aad hayso su'aalo ku saabsan amaanka qoyskaaga waa inaad la xiriirto talo-bixiye kaas oo kula eegaya fursadahaaga dhinaca ilaalinta qoyskaaga. La xiriir adeegayaga macaamiisha oo sidaas ayaad ku helaysaa caawimaad.

Lacagta hawl-gabka ee guud

Lacagta hawl-gabka ee guud waa qaybta dawlada ee lacagtaada hawl-gabka. Tani waxaa maamusha Hey'adda Lacagta Hawl-gabka taaso sannad kastaba macluumaad kuugu soo dirta bushqada waraaqaha ee midabkeedu liin-macaanta u eegyahay.

Isla marka ugu horeysa ee aad hesho dakhli ee aad bilowdo inaad bixiso canshuur waxaad xitaa bilaabaysaa inaad wax gashato lacagta hawl-gabka ee guud. Sannad kastaba shaqo-bixiyahaagu wuxuu bixiyaa wax u dhigma boqolkiiba 18,5 oo mushahaaradaada ka tirsan oo ay siiyaan lacagta hawl-gabka guud, taasi waa qaybta ugu badan ee lacagtaada hawl-gabka.

Lacagtaada hawl-gabka guud waxay ka koobantahay: lacagta hawl-gabka ee ku salaysan dakhliga, lacagta hawl-gabka ee faa'iidada laga sameeyo iyo lacagta aasaaska ah ee hawl-gabka.

Kaydinta lacagta hawl-gabka ee shakhsiga

Adigu waxaad dooran kartaa inaad lacagta hawl-gabka ee guud iyo ta hawl-gabka shaqada aad ku dhamaystirto kaydinta lacagta hawl-gabka ee shakhsiga Waa tabbaruc, laakiin qof hawl-gab ahaan ah si loo helo dhaqaale fiican waa muhiim in laga fikiro arrintan.

In la noqdo hawl-gab

Ma jirto da'a cayiman oo hawl-gab lagu noqdo gudaha Iswiidhan. Dhinaca xadaynta qaarkood adiga laf ahaantaada ayaa dooran kara marka aad doonaysid inaad gasho hawl-gabnimo. Wakhtiba wakhtiga uu ka sii dambeeyo ee aad doorato inaad gasho waxaa sii sareynaysa lacagta hawl-gabka ee aad helayso.

Caadi ahaan waxaad u baahantahay in adigu aad codsato lacagta hawl-gabka ee guud. Haddii aad lacagta hawl-gabka ee shaqada aad ku leedahay Folksam LO Pension, waxaanu kuu soo diraynaa warqad qiyaastii saddex bilood ka hor intaanad buuxin 65 sanno. Markaasi ayaad adigu helaysaa macluumaad ku saabsan lacagtaada hawl-gabka ee guud, lacag bixinyaha lagu siinayo, xisaabta bangigaaga iyo wixi kale ee aad u baahantahay inaad ogaato.

Adigu waxaad dooran kartaa inaad qaadato lacagta hawl-gabka ee shaqad Laakiin xilliba xilliga uu ka sii horeeyo ee aad qaadato lacagtaada hawl-gabka, waxaa sii yaraanaysa tirada lacagta ee bil kasta.

Waxaanu kugu caawinaynaa adiga luqadaada

  • Ma doonaysaa inaad hesho macluumaad ku saabsan lacagtaada hawl-gabka oo luqadaada ah? Halkan waxaad kala xiriiraysaa adeegayaga macaamiisha.

    Wac 0771-585 911
    Isniin ilaa jimce 08.00-17.00